Xoghayihii Hore ee Qaramada Midoobay Kofi Anan oo Geeryooday

0
114

Kofi Annan, oo ahaa xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize ee hawlaha bani’aadamnimada, ayaa maalintii shaley geeriyooday isagoo 80 jir ah.

Wuxuu ku dhashay magalada Kumasi ee dalka Ghana, 8-dii April 1938, wuxuu ahaa xog-hayihii ugu horreeyay ee ka soo baxa shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Koofi anaan waxaa uu noqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey 1 January 1997 – 1 January 2006.

Kofi Annan ayaa ka qeybqaatay nabadeynta iyo xal u raadinta dalal badan oo caalamka oo ay ka dhaceen qalalaase siyaasadeed iyo mid bani’aadannimo.