Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii Hore oo Maanta Ku Kulmay Dalka Turkiga Magalada Ankara

0
47

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka kadib Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray in xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaaho).

Kulankan ayay sidoo kale masuuliyiintan iskula soo qaadeen ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda shacabka Soomaaliyeed.

Si kasataba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay oo ay kulmaan madaxweyne farmaajo iyo xasan sheekh maxamuud dhowr jeer oo hore ayey ugu kulmeen dalka turkiga iyo weliba gudaha dalka somaliya.