Waxgaradka Gobolka Shabelaha Hoose oo ku Dhawaaqay Gole Ay Ku Mideysan Yihiin

0
53

Shirar in mudo ah is daba socday oo qadka telfoonka ku wadayeelanayeen jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka shabelaha hose ee ku nool Mareykanka, Canada, Ingiriiska, Norwey iyo Sweden ayaa xaley looga hadley arimo xasaasi ah.

Shirkaasi oo ujeedadiisu aheyn in laga munaaqishoodo mashaakilaadka uu gobolka shabelaha hoose ku sugan yahay iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaa la isla fahmay in ay jiraan qodobo badan oo caqabad ku ah gobolka shabelaha hoose kana hor taagan horumarka iyo nabada gobolka.

Si looga gudbo caqabadahaas hor taagan gobolka waxaa la isla gartay in la sameeyo Gole ay ku mideysan yihiin dadka kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose, Golahaasi oo la imaan doona istaraatiijiyadii lagu xalin lahaa mushkiladka ka taagan gobolka.

Sidaa awgeed waxgaradkii kulamadaas kasoo qeyb galayey waxaa ay isla garteen maanta oo Axad ah bishuna tahay 19-8-2018 in lagu dhawaaqo gole la magac baxay Golaha Nabadgelyada iyo Horumarinta Gobolka Shabelaha Hoose “Lower Shabele Security and Development Council”, Golahaas wuxuu ka koobnan doonaa 21 xubnood hadii loo arko in tiradaasi ka kordhiyo waa la kordhin karaa hadii loo arko in wax laga dhimana waa laga dhimi karaa.

Ugu dambey waxaan walaha gobolka shabelaha hoose ku war gelineynaa in la gaaray waqtigii gobolka isku tashan lahaa si uu gobolka qeyb uga noqdo badbaadada qaranka somaliyeed. Sidaa awgeed waxaan mar kale ugu baaqeynaa dhamaan shacabka gobolka shabelaha hoose iney u istaagaan danahooda isla markana taageeraan golahan cusub si looga boxo darxumada gobolka ku sugan yahay.

Wa Bilaahi Towfiiq

Xubin Sare
Amina Khaliif