Reysulwasaaraha Dalka Itoobiya oo Maalinta Berito La Kulmi Doona Ergo Ka Socta Deeganada Somalida Degto

0
52

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qorsheynaya in maalinta Jimcaha eeBerrito magaalada Addis Ababa kulan kula yeesho ergo ka socota deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ay aynu heleyno ayaa sheegaya in 700 oo oo ka mid ah ergadaasi ay hada ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya , iyadoo dadkan uu la kulmayo ra’iisal wasaaraha noqonayaan dad ka madax-bannaan xisbiga tallada haya iyo maamulka intaba.

Lama oga arrimaha uu kala hadli doono ra’iisal wasaaraha dadkan uu la kulmayo, hasse ahaatee waxaa loo maleynayaa in uu la soo qaadi doono xaalada guud ee dowlad deegaanka oo bilihii ugu danbeeyay-ba ay ka dhacayeen rabashad uu dhiig badanni ku daadday.

Abiy ayaa ku howlan sidii nabad loogu dhameyn lahaa qalalaasaha ka jira deegaan-ka gaar ahaan dirirta u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo muddo dheer-ba soo jiray.