War Deg Deg Ah Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Agagaarka Wasarada Gaashaandhiga

0
46

Qarax xoogan ayaa kol dhaweyd waxaa uu ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, qaraxaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka tirsan magaalada muqdisho.

Qaraxan oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa dhacay waxyar kadib markii ay halkaasi mareen kolonyo gaadiid ah oo galbinayay Wasiir ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

C/laahi Colaad Rooble Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka yimid xarunta Wasaaradda oo maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Gen. Gorod iyo Taliyaha cusub Daahir Indha qarshe.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.