Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Daynuunay ee Gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay dagaal culus ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaankaasi.
Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid kadib markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Daynuunay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay Afar askari oo ka tirsan ciidanka in lagu dilay dagaal ka dhacay Xerada Ciidamada, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo kale oo ciidamada soo gaaray.
Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay daqiiqado inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunay, waloow markii dambe dib looga saaray deegaankaasi.
Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab.