Korneel Bishaar Abshir Geedi oo Sheegay in Saraakiil iyo Askar Losoo Xirxiray Musuqmaasuq

0
285

Shir jaraa’id uu maanta ku qabtay Muqdisho Sii hayaha Xilka Taliyaha Hogaanka Dembi barista CID-da Muqdisho Korneel Bishaar Abshir Geedi oo ah  ayaa waxa uu ka hadlay 28 Askari oo Musuq Maasuq loo xiray.

Waxa Korneel Bishaar shaaciyey in Saraakiil iyo Askar ay iskugu jiraan Xubnaha lagu Xiray Xabsiga Dhexe Ee Xamar.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen inay dhankooda ka go’an tahay in laga sifeeyo gacan hoorsiga dadban kuwa sameeya Ee Sumcad dilaya Sharafta Booliska.