Aqallka Sare oo Qoraal Kasoo Saaray Xaalada Amni Daro ee Ka Jirta Dalka

0
53

War deg deg ah oo ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka amniga, siyaasada iyo waliba sababihii keenay in ay ka baaqdaan ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka.

Qoraalka ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa lagu sheegay in goluhu walaac badan ka muujinayo guud ahaanba marka la eego xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waliba xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleed-yada oo uu goluhu ku matalo dowladda.