ENG. BONO “WAA WAAJIB INAAN BAD-BAADINNAA UMMADDA REER KOONFUR-GALBEED”

0
134

Afar sanno oo lama ilaawaan ah ayaa soo martay shacbiga K/Galbeed, dhibaato ba’an oo isugu jirta Maamul xumo, Xaq darro, Horumar la’aan, Nolol xumo, amni darro iyo waxbarsho xumo baahsan ayay ka dhaxleen shacbiga deeganadaasi.

Nasiib-darro iyagoo qaba intaasi oo dhibaato ah ayaa haddana waxaa ugu sii darsamay go’doon ay ku kala jiraan dhammaan Degmooyinka maamulkaasi iyo kuwa ay la leeyihiin xiriirka sohdimeed, Xaqiiqdii K/Galbeed waxay mareysaa meel Baylah {Cidlo} ah, taasoo lala meel dhigi karo maah-maah hore oo dhaheyso CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA) bulshada ku dhaqan dhullkaasi.

Eng. Maxamuud Maxamed Bono oo loo badinayo inuu yahay shakhsiga keliya ee badali karo maamulka waqtigiisu dhamaaday ayaa hoosta ka xariiqay in aaney macquul aheyn dadka reer K/Galbeed oo heysto khayraad fara badan inay haddana ka baahan yihiin ummadda gobolladaas, wuxuu kaloo caddeeyey in dib u dhaca ka muuqda Gobollada Bay, Bakool iyo Sh/hoose ay masuul ka tahay siyaasad xumada iyo aragtida gaaban ee maamulka ka arimiya gobolladaas.

Sidoo kale Waxa uu farta ku fiiqay iney ayaan-darro tahay in maamulka K/Galbeed masiirkiisii ay boorso ku sitaan in yar oo kooban kana fekeraayo dantooda gaarka ah oo keliya isna ilowsiinaayo midda guud, kuwaasi oo rumaysan in iyaga la’aantood aaney jiri Karin qowmiyaddan qiima dhaqan iyo dhaqaalaba ugu badan Soomaaliya oo dhan.

Haddii aan ka tilmaano wax yar Eng. Bono ruuxa uu yahay:- Ugu horreyn waa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka ee haatan, Teeda kale, waa maskaxdii horseeday in la Aas-aaso oraahdii ahayd (MAXAA NOO DAN AH) wakhtigii Sagaashameyadii kadib dagaalladii ka dhacay Soomaaliya, iyadoo burburka ugu wayn uu qabsaday ummadda reer K/G.

Waxaa xigey inuu dhibada u taagay inkasoo uusan muddo dheer jirin, maamul goboleedkii ugu horrey ee ka dhasho Soomaaliya bartamihii 1995tii, Ugu dabmbeyntiina wuxuu naftiisa iyo maalkiisaba u huray aasaaskii gobanimadoonkii dhallinyaradii RRA oo lagu xoreeyey gobollada Bay iyo Bakool taasoo markhaatigeeda uu joogo, Arimahaasi oo dhan waxay kuu caddeyneyaan in Eng. Mudane Bono uusan eheyn xukun doon balse uu yahay badbaadiyaha ummaddiisa.

Haddaba waxaa la soo gaaray xilligii loo hiilin lahaa ummaddan dhibaatada ku habsatay isla markaana laga dulqaadi lahaa. Tasoo ku imaan karto oo keliya in isbedel caafimaad qabo lala yimaado. Waa fursad dahabi ah oo haatan hor-taalo K/Galbeed, una baahan in laga faa’ideysto. Waa mid waqti badan la sugayay imaanshaheeda, haatan ayaa la joogaa sidii loo heli lahaa badbaadinta aayaha dadka iyo dhulka K/Galbeed.

Mustaqbalka iyo rajada ummaddani wuxuu ku jiraa in isbedel la helo si mar labaad ay gobolladaan ummaddeeda cagahooda ugu soo istaagaan waxna ula qeybsadaan kheykood, K/Galbeed waxaa dan u ah inay bisha November 2018-ka la yimaadaan isbadal maamul oo cusub.

Xildhibaanada matalayo shacbiga Goboladaasi waxaa sharaf u noqonayo iney ku dadaalaan sidii loo heli lahaa bad-baadiyihii ummaddan, kaaso la filaayo inuu yahay Eng. Md Bono oo lagu tilmaami karo inuu yahay hogaamiyaha keliya oo samata bixin kara bulshadiisa, dhabtii musharaxaan waa shakhsi ku haboon inuu noqdo u hiiliyo mustaqbalka carruurta K/galbeed maxaa yeelay waxa la wada ogyahay waxyaabihii uu ka qabtay gobollada qaarkood.

Haddaba, Eng. Maxamuud Maxamed Bono wuxuu u soo istagy inuu garwadeen ka noqdo hanka isbedel-doonka reer K/Galbeed. Wuxuu caddeynayaa in Seddexda Gobol ee maamulkaasi ay u baahan yihiin Xornimo Siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho intaba, si loo hubiyo inaan dib loogu noqonin dhibaatadii ku habsatey 1991-kii ama laga hortago colaad dhexdooda ka dhalato.

Haddaba:- Waa wakhtigii dadka reer K/Galbeed ay hurdada ka kici lahaayeen kana dhabeyn lahaayeen oraahdii ahayd (HADAA HA KANNI), lagana gudbi lahaa wakhtiga nin jecleysiga loona gudbi lahaa ummad iyo dhul jecleysiga, maskaxda ha taliso ee yaysan talinin danta gaarka ah, si loo helo isbedel dhaxal gal ah oo reer K/Galbeed ay mahadiyaan.