Guddoomiye kuxigeenka Gobalka Shabeelaha Hoose CabdiFataax Xaaji Cabdulle ayaa maanta safar shaq ah ku tegey degmada wanleweyn ee goboloka shabelaha hoose halkaaso oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta degmada..
Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa uu salka ku hayaa sidii qaar ka mid ah wadooyinka degmooyinka gobolka shabelaha hoose dib u habeyn loogu sameyn lahaa ayadoo degmada wanleweyn ay noqon donto degmadii ugu horeysay ee ka faaiideysata barnaamijkan.
Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya masuuliyiin ka tirsan gobolka iyo weliba injineero ku taqasusay qaabka wadooyinka loo sameeyo.
Si kastaba arintu ha ahaatee qorshahan cusub ee lagu dayactirayo wadooyinka degmooyinka gobolka shabeleha hoose ayaa ah mid ku cusub gobol ka muuqdo burbur badan wadooyinka meelaha ugu daran ayaa ah degmooyinka Afgooye, Marka iyo Wanlewayn.