Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamuladdii ku shiray Kismaayo ee Sabtidii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee federaalka.
Hoggaamiyayasha Hirshabeele iyo Galmudug oo ah labada maamul ee ugu da’yar guud ahaan marka la eego maamul gobolleedyada dalka ka dhisan, ayaa wajahaya markan culeys uga imanaya isla maamulka gudihiisa kadib ku dhawaaqistoodii in ay xiriirka u gooyeen dowladda dhexe oo ay ku eedeeyeen fara-galin siyaasadeed iyo in ay ku guuldareysatay howlihii loo idmaday.
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay furitaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka oo ay fadhiyeen madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha ayaa ka hor sheegay in Galmudug isku raacsaneyn warka ka soo yeeray Kismaayo ayna u arkayaan in lagu wiiqayo dowladnimada iyo jirintaanka Qaran Soomaaliyeed.
Si taa la mid ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah Hirshabeelle kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, diyaar-na u yihiin in ay sii wada-shaqeyn dhaxmarta.