Gaari uu la socday taliyaha ciidanka booliska degmada afgooye ayaa kol dhaweyd qarax miino ah lagula eegtey wadada isku xirta degmada afgooye iyo magalada muqdisho.
Qaar ka trirsa masuuliyiinta degmada afgooye ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in taliyaha uu kusii jeeday degmada afgooye kolkuu dhacaayey qaraxa wexeyna sheegeen in uu bad qabo balse ay jiraan dhawac soo gaaray askartii la socotay.
Taliyaha ciidanka boliiska ayaa Maxaabiis laga soo xiray degmada Afgooye keenay magalada muqdisho kalkuu laabanayey ayaa qaraxa ku qabsaday deegaanka Xaawo Cabdi ee degmada afgooye.
Ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin xafiiska taliyaha balse ilo meelaha ku dhawaa ayaa sheegaya in qaraxaasi uu geystay qasaaro badan iyo dhaawac badan.