Guddiga Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ah lagu ku riday labo ruux oo horay dil uga geystay Magaalada Qardho degaano hoos yimaada.
Maxkamadda Magaalada Qardho Waxa ay sheegtay in Ragga la xukumay lagu kala magacaabo Axmed Cabdi Nuur Siciid Iyo Bashiir Maxamed Siciid, Ragan oo loo heystay dil ay u geysteen Marxuum Cabdiraxmaan C/laahi Axmed Qaytoor, laguna helay dambiga dilka ah ee ay gaysteen.
Warqad kasoo baxday Garsoorka Maxkamada Qardho ayaa lagu amray Taliyaha Saldhiga Qardho xabsiga in lagu sii haayo labada dhalinyarada ah ee dilka gaysatay illaa qisaastooda lagu fulinaayo.