Ciidamo Somali ah oo Ay Wehliyaan Ciidan Ajaanib ah oo Habeenkii Xaley Weerar Ku Qaaday Deegaanka Mubaarak

0
51

Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ayaa habeenkii xalay waxa ay weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Mubaaraka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka cadaanka ah oo ay la socdeen kuwa Bancroft ayaa marka hore diyaaradihii ay wateen waxa ay uga degeen banaanka Mubaarak, waxayna gudaha u galeen iyaga oo lugeynaya degaanka.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ilaa hadda si dhab ah looma oga balse waxaa la soo warinayaa in uu jiro khasare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan dagaalamay iyo dadka rayidka ah.

Warar kale oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan inta uu hawlgalkan socday in ay jirtay duqeyn ka dhacday degaanka, taasi oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ee ay wateen ciidanka cadaanka ah ee Mareykanka.