Xaaf oo Ka Horyimid Baaqii Madaxweyne Farmaajo oo ahaa In La Heshiisiyo Garacyada is Haya

0
215

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku gacan seyray baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Madaxda Maamul goboleedka Galmudug ay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo 24-ka bishan ka dhici doona Madaxtooyada Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay 18-kii bishan September, isla markaana mushikadaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed iyo amni ay ahaayeen kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya.