Qarax aad u balaaran ayaa kol dhaweyd waxaa uu ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ku taalla degmada Dayniile.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Aargada degmada xilli ay halkaasi maraayeen Gaadiid la sheegay in ay leeyihiin Ciidamo Talyaani ah oo kasoo baxay Wasaaradda Difaaca oo aan halkaasi ka fogeyn.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in uu geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in waxyeeladda ugu badan ay soo gaartay dad Shacab ah.
Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana guud ahaan ay xireen Wadooyinka soo gala Wadada uu Qaraxu ka dhacay.