Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Filippo Grandi.
Kulanka oo qaatay saacad iyo wax ka badan ayaa labada masuul waxa ay kaga wada hadleen arrimaha Qoxootiga soomaaliyee ee ku xayiran dalka Liibiya.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale kala hadlay Filippo Grandi sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qaxootiga somaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya, islamarkaana loo kaalmeyn lahaa qaxootigaas ka hor inta aan loo sameyn dib u dejin.
Kulankan aya waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee wadamada la isku yiraahdo “Benelux” iyo Xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi.