Dowlada Federaalka Somaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiisyo ku Saabsan Dhinaca Hawada

0
46

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Salaad (Oomaar) ayaa Dalka sucuudiga ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta kaasoo ay dowladaha xubnaha ka ah ay iska kaashanayaan bad-qabka dayuuradaha isticmaala hawooyinkooda.

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa dalka sacuudiga waxaa uu la kulamay Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo madaxa Shirkadda Saudi Airlines

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa kulankoodi uu ku dhamaaday guul iyo is afgarad, iskaashi labada dal iyo sidii shirkadda Saudi Airlines loogu furi lahaa khadka Soomaaliya isla markaasna inaan yeelano iskaashi caalami ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada wadan.