Golaha Maamul Goboleedyada oo Ka Horyimid Go,aankii Kasoo Baxay Aqalka Sare

0
90

Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ayaa maanta qoraal ay soo saareen waxaa lagu sheegay in ay lama filaan ku noqotay war murtiyeed uu Aqalka Sare ka soo saaray Labadii bishan arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale war saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka walaacsan yahay in la dhinac maray war murtiyeedkii ay ka soo saareen magaalada Kismaayo gaar ahaan qodobkiisa 3.9 kaas oo ka digayay faragelinta arrimaha gudaha ee Galmudug.