Sheekh Mukhtaar Roobow oo Maalinta Berito ah Ka Jawaabi Doona Hadalka Kasoo Yeeray Wasarada Amniga

0
216

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta waxaa uu kulamo kala gedisan la qaatay odayaasha dhaqanka koonfur galbeed iyo waxgaradkooda koonfur galbeed ee ku sugan magalada baydhabo waxaa ayna isla soo qaadeen hadal maalintii shaley lagu qorey warbaahinta dowlada oo ahaa in Mukhtaar Roobow uusan isku sharixi karin xilka madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed.

Odayaashii iyo waxgaradkii koonfur galbeed iyo Mukhtaar Roobow dhamaantood ayaa dhaamaan waxaa ay isla garteen in dowlada federaalka aysan wax shaqo ah ku laheyn masiirka umada koonfur galbeed ruuxey rabaana ayga ay gacantooda ku dooranayaan.

Warqadan oo aan saxiix laheyn ayaa la sheegay iney kasoo baxday xafiirka wasiirka wasaarada amniga taasoo noqotatey wax lala yaabo faragelinta intaas la eg ee ay ku dhaqaaqday xukuumada dhexe.

Ilo ku dhow dhow Musharax Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in maalinta berito saacadu markey tahay 9 aroornimo uu musharaxa ka jawaabi doono hadalka kasoo yeeray xukuumada ee ahaa inuusan isku sharixi karin xilkaas asaga ah.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in qoralkan uu ka dambeeyo Reysulwasaaraha Xukumada Federaalka somaliya Xasan Cali Kheyre, Kheyre iyo Roobow ayaa dhowr jeer ka wada hadley arintan balse roobow waa uu ka biya diiday in uu ka tanasulo is sharaxaadaas, Balse waxaa waaga ku beryay xukuumada kadib kolkii ay maalintii shaley arkeen shacbiyada uu Roobow ku dhex leeyahay shacabkiisa taasi oo markii dambe keentey in warqada bilaa saxiixa ay soo dhigaan warbaahinta magalada muqdisho.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalkan xukuumada ay la wareegeyso ayaa ah mid la rabo in lagu duleysto shacabka koonfur galbeed isla markaana lagu dareensiyo ineysa aheyn dad ayaga masiirkooda ka tashan kara, Xukuumada hadii ay raadineyso dad dembi ka galey shacabka somaliyeed waxaa ay dhex fadhiyaan Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose qaarkodna waxaa ay madaxweyneyaal ka yihiin maamul goboleedyada dalka hadii ay run ka tahay arinta ay ka hadlayaan wexey eheyd iney kuwaas kasoo bilaabaan.