Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga Maxamed Tuulax ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ciidamada Booliska sameeyeen kaddib lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo labo ka mid ah koox burcada ah oo dhac ku geysan jirey gudaha suuqa bakaaraha.
Labada ruux ee la qabtay ayeey ciidamadu ku soo bandhigeen meel fagaaro ah, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay gaarigii ay dhaca u adeegsan jireen.
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa dhowr jeer oo hore cabasho ba’an ka muujinayay burcad dhac ka geysta goobaha gacansiga suuqa iyo dadka u soo dukaameysi taga intaba.
Ma aha markii ugu horeysey oo ay xukuumada ka sameysao gudaha suuqa bakaaraha howlgalo noocan oo kale ah dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale suuqa uga soo qabteen tuugo dadka dhib u geysan jiratay.