WAKHTIGA WAKHTIGII U EKAA

1
131

Iyadoo aan daba socdo qoraalkeygii hore oo ahaa (DOORASHO KAMA SOO SOCOTO KOONFUR GALBEED), ayaa haddana waxaan jecleystay inaan idinla wadaago maqaalka uu cinwaankiisa kor ku xusan yahay, inkastoo aan maqaallo yar-yar lagu soo koobi karin taariikhdii madoobeyd ee soo martay ummadda gobolladaan ayaa misana waxaan ku kalsoonahay mutacalliimiinteenna iyo qorayaasheenna maalin ay ahaataba inay qori doonaan dulli kastoo nala soo gudboonaaday In-Sha-Allah.

Haddaba, bal aan dib u fiirino in yar waxyaabihii na soo maray wakhtigii gumeysiga illaa Abaartii dabadheer, dhacdooyinkii nasiib-darrada ahaa iyo murugadii KELI ASAAYLE. Haddaan is weydiinno, yaa loo eedeyn Karaa dhacdooyinkaas? Waa labo qeybood oo kala ah.:-

1- Gumeysigii waddanka heystey.
2- Iyo Caqli darradii qaar ka mid ahaa odayaasheenni xiriirka hoose la-lahaa gumeysiga, taasoo na dhaxalsiisay in dhallinyaro la aruuriyo loona geeyo gumeystaha, si ay ugu shaqeystaan beerahooda, aakhiritaankiina loo isticmaalay in dhoobada looga gudbo iyagoo nool kuna dhamaadeen halkaas, taasoo illaa hadda cid xusta taariikhdaas madow aaney jirin, iyadoo laga yaabo dad joogey wakhtigaas inay maanta nool yihiin.

Sidaan la wada soconno adduunka cid kasta oo wax la-yeelo ummaddeeda ayadaa xusto oo si joogta ah u xasuusiso ummadaha kale, Digil Mirifle toooda waxey noqotay LOOMA OOYAAN LAMANA XASUUSTAAN, MANA GARANAAYOCIDDA AAN KA SUGEYNO INEY INA XASUUSIYAAN AMA XUSAAN.

Hore u soo soco, kadib markii xurriyadda La heley, inkastoo dad noogu jireen dowladdihii na-soo maray oo doorashada ku yimid, haddana waxaa hoggaanka noo qabtay dad aanba ka warqabin waxa soo maray ummaddaan ama aan danba ka leheyn iney ogaadaan kuwaasoo ujeedadooduba aheyd iney dantooda ku gaaraan oo keliya.

Odayaasheennii horena ku garab istaageen qorshahoodii wakhtigaas jiray, iyadoo marna loo damqanin dadkii lagu xasuuqay dhacdooyinka aan kor ku soo xusay, Sidaas daraadeed, ma jirto cid ummaddaan weligeed la tashatay ama weydiisay horta maxay rabaan ama intey u socdaan, taasoo keentay in loo taliyo lagana tashado.

Horey u soo soco, ma illowsan tihiin markii abaartii dabadheer dad laga soo rarray gobollada dhexe la keenay shabeellada hoose taasoo jawaabteedii maanta ay taagan tahay oo lagu leeyahay dhulka anigaa kula leh ama Kaaba leh, iyadoo aan ognahay ujeeddadii ka dambeysay istaraatijiyadaas. Nasiib-darro lama garanin qorshahaas ee maanta ayey na-heysata khasaaraheedii, taasoo dhulkii awoowahaa lagula heysto.

Gobolka badankiis waxa kula heysto dadkii markaas lagu abuuray dhulka, taasina waxay aheyd ujeeddadii ka dambeysay, taasoo aheyd in lagu sii baabi’iyo ummaddaan Digil Mirifle. Haddaba, waxaan raba inaan idiin sheego cidda si dhabta ah uga dambeysay dhacdooyinkaas xanuunka badan oo aan marna la xusin, sida tan aan kor ku soo sheegay. Waxa dhallinyarada aruurin jirey Qaar ka mid ahaa odayaashii Digil Mirifle, kuwaasoo u geyn jiray gumeystaha iyago danahooda gaarka keliya ka fekeraayo.

Taasna waxa ka sii darnaa, 1995kii inta salballaar ay ku soo duulin gobolladaan waxaa jirey siyaasiyiin wax magarato ahaa oo aan wax Dan ah u heynin ummaddaan dhibaateysan, kuwaasi oo Xamar u wadey odayaal si ay ugu geyaan hoggaankii Salballaar oo wakhtigaas aan wax talo ah ku laheyn gobolladaan iyagoo aan ka fekereynin waxa qabsan karo ummaddaan ay iibsadeen,

La yaab waxaa laheyd in oday walba la soo siiyey in yar oo lacag ah (500.000 shilling Somali,ah, labo macawis iyo cimaamad), markii ay soo noqdeenna dad joogay Baidhao ay u sheegeen iney soo gateen dadka iyo dhulkaba, kuwaasi oo Aakhiritaankiina salballaar ku casuumay inay xoog ku qabsato masiirkii ummaddaan, iyadoo weliba odayaashaas badankood ay maanta nool yihiin taasoo welina socoto.

Haddaba, sida cinwaanka ku xusan waxay u egt ahay iney tii soo noqoneyso love ah:

WAKHTIGA WAKHTIGII U EKAA, DADKU DADKII U EKAA, SIYAASIYIINTU SIYAASIYIINTII U EKAA, ODAYAASHU ODAYAASHII U EKAA, DANAYSTAYAASHU DANAYSTAYAASHII U EKAA!

TALO SOO JEEDIN GUUD:

1- Digil Mirifle meel kasta ood joogtaan halla isku duubmo oo hallo kaco bad-baadinta ummadda gobolladaan ee dhibaato aan dhamaanin qabo.

2- Odayaasha waa iney ka waantoobaan ka fekerka dantooda oo keliya, balse waa inay ka fekeraan danta, dadka, dalka iyo diinta, noona ilaaliyaan dhaxalkii awoowayaasheenii hore, kan ilmaheenna iyo mustaqbilka ilmahooda.

3- Xildhibaanada waa iney ogaadaan in maanta masiirka ummaddaan uu gacantooda ku jiro oo aaney ka fekerin oo keliya dhaqaale, balse ay ka fekeraan sumcaddooda dambe, taariikhdaa idin-qoreyso ee u hiiliya danta guud ee ummadda Koonfur Galbeed.
4- Qurba-joogta ha ku dadaalaano isku xirnaanta, la-talinta, guubaabinta iyo taageerada ummandda dhibaateysan.

(UMMAD WALIBA AAYAHEEDA INEY GARATO IYADAA LEH)

QORE: ENG MOHAMUD BONO

WASIIRU DOWLAHA AMNIGA QARANKA AHNA MUSHARAXA
DOORASHADA KOONFUR GALBEED

WA BILLAAHI TOWFIIQ

1 COMMENT

  1. Digilmirifle idinka ayaa tirtirey oo ku sheegey in ay yihiin BOON,idinkuna aad raxweyn tihiin kana soo jeedaan hawiye,dir,darod sidaasi darteet majiro digilmirifle dhalad ah oo u diirnaxa Allah ha u keeno kuwii u dhashey ee badbaadin lahaa .

Comments are closed.