Maamulka Puntland oo Figniin u Dirtay Masharixiinta u Taagan Xilka Madaxweynenimo

0
152

Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Cali (Qarjab) oo warbaahinta la hadlay ayaa ayaa musharixiinta maaxweynenimo ee maamul goboleedka Puntland ugu digay in ay hub culus lasoo galaan maamulkaasi.

Wasiir Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay masuul ka tahay amaanka musharixiinta u loolamaya xilka maaxweynaha maamulakasi.

Maamul gobolleedyada dalka ayaa hadda u muuqda kuwo mashquul ku ah doorashooyinka ku soo foolka leh oo ku soo aaday waqti xasaasi ah oo khilaaf adag uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee federaalka, waxaana jirta faragelin aad u weyn oo ay xukuumada ku sameyneyso doorashooyinka ka dhici doona maamul gobolleedyada.

Doorashada ugu soo horeysa ayaa ka dhaci doonta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay musharixiin dhowr ah ku tartami doonaan kursiga madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.