Xukuumada Federaalka oo Musuqmaasuqeeda Gaarey Meeshii Ugu Sareysay

0
85

Waxaa beryahan Magalada Muqdisho si xowli ah uga socda musuqmaasuq kii ugu weynaa oo ay xukuumada hor boodeyso kasoo ay ku dagaalameyso maamulka koonfur galbeed sidii ay halkaasi u geysan laheyd shaqsi ayaga ka amar qaata, Ficilkaasi oo noqonaya ficil lidi ku ah hadal ay horey u sheegtay xukuumada oo ahaa iney la dagaalameyso musuqmaasuqa.

Xukumaada ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ay xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed kasoo daad gureyneysay Magalada Baydhaba si ay ugala hadlaan fikirkooda iyo ruuxa ay ku taageerayaan inuu kusoo boxo doorashada xilka madaxweynaha maamulka koonfur galbeed taasoo ka dhici doonta Magalada Baydhaba bishan eynu ku jirno 17keeda.

Ilaa iyo hada waxaa Magalada Muqdisho soo gaaray xildhibaano kor u dhaafaya 69 xildhibaan kuwaasoo qeybtii ugu dambeysay ay maanta soo gaareen Magalada Muqdisho, Xildhibaanadan ayaa markii ay soo gaareen magalada muqdisho dhanmaantood siisay 5000 oo doolar oo soo dhaweyn ah isla markaana waxaa loo balan qaaday in la siin doono lacago kale hadii ay doortaan musharaxa ay xukumada wadato Musharax Cabdi casiis Lafta Gareen.

Suaalaha inta badan dadka ay is weydinayaan waxaa ay tahay.

1- Musuqmaasuqa ay sheegtay xukuumada iney la dagaalameyso waa mid noocee ah? Yuuse qabtaa?
2- In xildhibaano deegaanadooda laga keeno hoteelo xamar looga kireeyo shilimaadna la siiyo so codkooda loo hanto hadeysan musuqmaasuq eheyn maxaa musuqmaasuq ah.?
3- Halkey ka timid lacagtan faraha badan oo ay xukuumada ku sameyneyso musuqmaasuqa cod kala iibsiga yaase usoo dhiibay?
4- Dowlahada bixinaaya lacagta lagu kala iibsanaayo cododka mexey tahay danta ay ka leedahay in lagu qarash gareeyo shaqsigaas?

Waxaan maqli jirey halheys somaalliyeed oo oraneysa Dawadii Hadey Bukooto Maxaa Lagu Daweyn hadeyba xukuumada caqligeeda noqdey in ay musuqmaasuq hormuud ka noqoto qarash aan caadi aheyna codad ku iibsato sidey rabaan iney berito kula xisaabtamaan hey”adaha dowliga iyo weliba Maamul Goboleedyada dhaqaalaha faraha badan ee ay is daba mariyaan.