WAREEYSIGII ABUKAR CARMAAN MA MID SIYAASADEEYSAN BAA MISE RUN?

0
126

Walaalkeey/saxiibkeey Abuukar Carman mar uu wareeysi siiyay idaacadda BBC wuxuu sheegay in wali ay xayiraad saaran tahay Musharax Mukhtar Rooboow Ali asagoo cuskanaayo sida uu sheegay webside-ka U.S. Department of the Treasury.

Hadaba maxaa arinkaas ka jira?

Dowladda Mareeykanka dadka ay liiskooda argagaxisada ku daro waxaa lagu daabacaa sedexda hay’adood ee kala ah FBI, US Department of State iyo wasaarada Lacagaha, waxaan ognahay in Mukhtaar Roboow laga saaray liiskii argagaxisada, lagana dulqaaday 5 milyan dollar ee madaxiisa la saaray.

Qodobka uu Abukar Carmaan soo xigtay oo ah inuu Wali ku jiro liiska wasaarada lagacta U.S. Department of the Treasury, waa dhab sababtoo ah liiska wasaaradaas waxaa la badalaa sanadkiiba mar, taas awgeed Abucar Carmaan waa inuu ogaadaa in dowlada Mareeykanka ay tahay dowlad wayn oo ay wada shaqayn ka dhaxeeyso hay’adaheeda dowladeed oo dhan taas awgeed wuu ku qaldan tahay inuu sida dowladaha aduunka sedexaad oo kale u fasiro US Government.

Aniga iyo isagaba waxaan wada ognahay in hay’adaha dowliga Dowlada Mareeykanka ayka dhaxeeyso wada shaqayn iyo iska war qabaan ama siyaasada wadanka ayku qasban yihiin inay u hogaamsamaan oo fuliyaan, taas waxaan kawadaa inuusan ka run sheegin dhabta uu wadanka Mareeykanka ku shaqeeyo.

Qofkasta oo Soomaaliyeed fikir buu ka qabi karaa mushataxnimadda Mukhtar Roboow, lakiin waa qalad in laga been sheego arin jirta oo dhab ah, oo dadka lagu jahwareeriyo arin runta ka fog, waxay runtu tahay hadii Mukhtaar ay xayiraad saaran tahay inuu heerkaan soo gaari lahayn mukhtaxnimadiisa.

Doorashada Koonfur Galbeed waxaa codka leh xildhibaanadda ka soo jeedo goboladaas, waxaana hubaal ah qofkasta oo ay doortaan inay aduunka iyo Dowlada Fedreraalkaba ay la shaqayn doonaan.

Abukar hadalkiisa ma aha mid ka run sheegaayo siyaasadda dhabta ah ee Dowladda Mareeykanka, waa mid uu kaga soo hor jeedo mukhraxnimadda Mukhtaar Rooboow.

Wa bilaahi Tawfiiq