Cabdicasiis Lafta Gareen oo Iska Casilay Hal Xil Kan Kalana Ka Meermeereysanayo Inuu Iska Casilo

0
63

Waxaa goor dhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirka Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Ibraahim Lafta-Gareen

Wuxuu sheegay in sababta uu xilka isaga casilay tahay in uu buuxiyo sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo u magacabay xilka Wasiirka Tamarta.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in uu ka socdo dhinaca dowladda federaalka, waana mid ka mid ah musharixiinta loogu hadal heynta badan yahay marka laga soo tago Shariif Xassan Sheekh Aadan oo imika tallada haya.

Cabcasiis Lafta Gareen ayaa fuliyey mid ka mid ah sharuudaha ay keeneen gudiga doorashooyinka maamulka koonfur galbeed, Balse weli ma aanuu sheegin waxa uu ka sameyn doono xilka labaad ee la doonayo inuu iska casilo kaasoo ah golaha shacabka.

Inta badan musharixiinta xukuumada gacan saarka la lehinta badan waxaa u sahlan iney iska casilaan xilka wasiirnimo taasoo marka ay waayaan waxa ay u tartamayeen dib logu celiyo xilka ay baneeyeen, Balse waxaa aad ugu adag dhamaantood in ay ka tagaan xilka golaha shacabka.