War Deg Deg Ah: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Xilka Iska Casili Doono Sacadaha Soo Socoda

0
78

Warar aan dhawaan ka helney ilo ku dhow dhow maamulka koonfur galbeed ayaa inoo xaqiijiyey in Shariif Xasan Sheekh Aadan xilka iska casilo doono saacadaha soocda dhawaan kuna wareejin doono gudoomiyaha baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku dareen in shariifka uu habeenkii xalay la kulmey qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee sida aad ugu dhow u sheegay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed isla markaana wuxuu ka codsaday odayaasha in la dhowro aminiga gobolka.

Xarunta madaxtooyada maamulka koonfur galbeed ayaa waqtiga xaadirka ah mid alow sahal ah waxaana ka taagan buuq badan halkaas oo ay ku kulansan yihiin taageerashaada Shariif Xasan.