La Taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya oo Digniin u Diray Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya

0
79

Madaxtooyada Soomaaaliya ayaa markii ugu horeysay uga digtay xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya in uu soo fara-galiyo siyaasada arrimaha gudaha.

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa si lama filaan bartiisa Twitter-ka ugu soo qorey digniin culus oo ku socoto xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Qoraalka Cabdi Saciid ku soo qoray bartiisa Twitterka ayaa jawaab u ahaa war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Niccholas Haysom oo looga hadlay arrimaha doorashooyada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashada guud ahaan maamul gobolleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed ay u dhacdo si daah furan oo xalaal ah.