Dhegeyso: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland oo Fariin u Diray Dowlada Dhexe

0
57

Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya ay tixgaliso wixii lagu heshiiyay oo ah dastuurka wali KMG ah.

Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ogaato wixii dalka laga soo maray sida uu hadalka u dhiggay, isaga oo intaa ku daray in dowladda ay ka shaqeyso mas’uuliyiintii loo idmaday iyo adeega uu shacabka ka sugayo.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imanaya xili maamul gobolleedyada dalka ku soo fool leeyihiin doorashada heer madaxweyne, dhinaca kalana maalintii shalay uu is casilaadiisa ku dhawaaqay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo sidoo kale ku dhawaaqay in uu ka haray tartankii doorasho iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Jubbaland ayaa horay sidoo kale u sheegtay in aysan aqbali doonin faragalin dhinaca kale uga timaada dowladda Soomaaliya marka la gaaro doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland,

Axmed-Madoobe