Xildhibanada Golaha Shacabka oo Maanta Ansixiyey Dib ugu Noqoshada Miisaniyada Sanadka 2018

0
46

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018.

Xildhibaanadii kulankaasi soo xaadiray ayaa waxaa ay ahaayeen 158 xildhibaan waxaa ogolaaday in lagu noqdo miisaaniyada 153 halka 2 xildhibaan ay diideen 3na ka aamuseen

Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.