Dowlada Jabuuti oo Dooneysa In Dalka Eritrea ay Ka Dacweyso Maxkamada Aduunka

0
73

Safiirka Dowlada Jabuuti ee Qaramada Midoobey Maxamed Saciid Ducaale ayaa sheegay in Muranka dhulka ah ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea lagu balamay in la aado Maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

Safiirka Waxaa kaloo uu sheegay in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah.

Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in Arrimaha ay ku doodeyso ay qeyb ka tahay milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 askari oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in ay cunaqabateyntii ay ka qaadeen dowladda Eritrea ka dib markii dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay Codsadeen in laga qaado.