R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu booqday dhowr xerooyin oo ay ku xareysan yihiin Ciidamo kala duwan oo tababar uu u socdo waxaana R/wasaaraha ku wehliyey booqashada uu xerooyinkaasi ku tagay Saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Xoghaayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq ayaa ka warbixiyay kormeer uu xaley R/wasaaraha ku tagay xerooyinkaasi waxa uuna sheegay in dhawaan ciidamo cusub oo tababar uu u socdo lagu wareejin doono amaanka Magaalada Muqdisho.