Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka ayaa sheegay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaalia isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin inay hortagaan Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si ay uga jawaabaan wax kasta oo madmow uu ku jiro.