Dowlada Dhexe oo Reer Koonfur Galbeed Ku Tijaabineysa Awood Aysan Laheyn

0
149

Warar kala duwan oo aynu ka heleyno magalada baydhabo ayaa sheegaya in xukuumada federaalka somaliya ay weli faraha kula jirto carqaladeynta doorasha ka dhici doonta magalada baydhaba 28 bisha novembar halkaasoo ay ka wadaan shirar kala duwan oo la qaadanayaan qaar ka tirsan xildhibaanada maamulka koonur galbeed iyo weliba labada masuul ee ugu sareyso baarlamaanka maamulkaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha oo ah Wakiilka dowlada dhexe u jooga magalada baydhabo in uu hormuud ka yahay howlaha la rabo in doorashada looga reebo mid ka mid ah musharixiinta, Masuulkan ayaa la sheegayaa in maalintii shaley iyo daraad uu ku cadaadinayey gudomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed iyo ku xigeenkiisa in qodobada habraaca lagu daro laba qodob oo cusub oo ay xukuumada soo fartay, Qodobadaas oo aan waafaqsaneyn dastuurka maamulka konfur galbed iyo weliba kan dowlada dhexe.

Gudoomiyaha iyo xigeenkiisa ayaa cadaadis badan kadib waxaa ay markii dambe labadii qodob ula tegey gudiga doorashooyinka waxaana dhacday in gudiga ay gacan seyreen isla markaana wexey ku war geliyeenin gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa in aysan jirin wax qodob ah oo lagu dari doono habraaca doorashada.

Sidoo kale Habeenkii xalay waxaa magalada baydhaba ka jirey guux aad u badan oo ku saabsan daban daabyada ay wadaan dowlada dhexe iyo kooxda gacan saarka la leh ee ku sugan magalada baydhabo kuwasoo isla dhex marayey in xukuumada ay tartanka ka reebi doonto maalinta khamiista mid ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed.

Si kastaba arintu ha ahaatee Xukuumadan ay hormuudka ka yihiin Kheyre iyo Farmaajo ayaad waxaad moodaa in reer koonfur galbeed ay u arkaan dad aan dadnimo iyo qadiyad toona laheyn oo reer hunguri ah taas ayaana keeneysa in ay ku hamiyaan qaabka guracan oo ay ula dhaqmayaan reer koonfur galbeed.

REER KOONFUR GALBEEDOOW HUNGURI DOON,MANSAB IYO QABIIL BUUNBUUNIS DARAJO LAGUMA GAARO, DAR XUMADA DADKA AY KU JIRAAN DIB HALOO FIIRIYO XASUUQII HOREY U DHACAY IYO DADKII MASUULKA KA AHAANA DIB HALOO FIIRIYO INTA AADAN TUMIN DURBAAN RUUX KALE LEEYAHAY.

Maxamed Xasan
Daafeet Media Baydhabo