Wararka aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in degmada Waabari gaar ahaan Waaxda March in uu goor dhaweyd halkaasi ka dhacay qarax lagu soo xirey gaari kuwa raaxada ah.
Gaarioga qaraxa lagu soo xiray ayaa la sheegayaa inuu dhaawac kasoo gaaray ruuxii gaariga markaas waday.
Goobjoogayaal halkasi ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga qaraxa lala beegsaday uu watay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawaca Wariyaha.