Taliyeyaasha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dalbaday taagero dheeraad ah oo ku aadan dhanka qalabka iyo maaliyadda si ay u dardargeliyaan shaqooyinka ay ka waddaan Soomaaliya, islamarkaana ay u fududeeyaan qorshaha ka bixitaanka AMISOM.
Taliyeyaasha Booliska AMISOM ayaa Midowga Afrika ka codsaday in helaan qalab dheeri oo ay ku tababaraan ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay ugu wareejiyaan Ammaanka Soomaaliya marka uu xilligooda dhamaado.
War kasoo baxay kulan ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska AMISOM ay xoojin doonaan qorshahooda ka bixitaanka Soomaaliya.
Dhammaan taliyeyaasha Ciidanka Joogga Soomaaliya ee dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia ayaa qiray in ay muhiim tahay in la xoojiyo tababaradda Ciidanka dowlada, hadii kale aysan suurtagal aheyn in AMISOM ka baxdo Soomaaliya.