Madaxda ugu sareysa jabhada ONLF ayaa sheegay in ay marnaba ka tanaasuli doonin gobanimo u raadinta dhulka Soomaali Galbeed ee Soomaalida Itoobiya, waxa ayna sheegeen in hadafka jabhada uu yahay sidiisii.
Cabdiraxmaan Shiikh Mahdi oo ah hoghayaha Jabhada ONLF ayaa warbaahinta u sheegay in markii horeba ay ONLF ay doonayeen nabad balse sida uu sheegay Itoobiya ay dagaal ku bilaawday.