Dowladda Dhexe oo Qorshe Cusub la Damacsan Doorashada Koonfur Galbeed.

0
97

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) iyo taliyaha ciidanka booliska ee maamulkaas Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa Muqdisho kulamo kula qaadanaya madax ka tirsan dowladda federaalka oo uu kamid yahay ku xigeenka hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

Xog hoose oo warbaahinta Daafeet Media ay heshay ayaa sheegaya in kulamada ay salka ku hayaan waxa laga yeelayo musharrax Mukhtaar Roobow, haddii uu socon waayo qorshaha koowaad ee dowladda oo ah inay is hor-taagto musharraxnimadiisa.

Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) iyo Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa la filayaa in ay Baydhaba kula laabtaan qorashaha cusub ee dowladda dhexe ay ka damacsan tahay doorashada maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo ah sidii loo abaabuli lahaa amni darro oo ay qaraxyo kamid yihiin taasoo looga dan leeyahay in lagu eedeeyo Musharrax Mukhtar Roobow ama in dowladda ay sheegto inay la wareegeyso amniga iyo doorashada.

Wasiirka amniga xilli sii horeysay ayuu sheegay in ay dhici karto amni darri xilliga doorashada, taasoo dad badan ay u fasirteen inuu ahaa qorshe lagu doonayo in lagu muujiyo inay lagama maarmaan tahay ciidammo ka socda dowladda si markaas ay u fududeeyaan soo bixidda musharraxa dowladda Cabdicaziiz Lafta-gareen.

Sidoo kale Warbaahinta Daafeet waxey heshay xog ku saabsan in Xasan Eelaay iyo Jeneraal Mahad ay ka shaqeyn doonaan hubinta inuu doorashada kusoo baxa musharraxa dowladda dhexe iyadoo loo maraayo waddo kasta, xitaa haddii ay noqoto mid lagu xasuuqayo shacabka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Masuul ka tirsan dowladda federaalka oo diiday in la xigto magaciisa ayaa sheegay in Xasan Eelaay iyo Jeneraal Mahad ay la laaban doonaan lacag loogu talagalay in laaluush ahaan loo siiyo xildhibaannada si uusan maxatinnimada ugu soo bixin musharrax Mukhtaar Roobow oo ah musharraxa heysta taageerada iyo rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.

Masuuliyiin, aqoon yahnno iyo dhallinyaro kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka digay qorshayaasha cusub ee ay maleegeyso dowladda dhexe, iyagoo u jeediyay masuuliyiinta kasoo jeedo Koonfur galbeed inay ka waantoobaan qaadashada lacagaha lagu burburinayo reer Konfur Galbeed.