Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka socda bananbaxyo looga soo horjeedo mooshinka shaleyto laga keenay madaxweynaha dowada federaalka somaliya Mxamed Cabdullahi Farmaajo.
Banaanbaxani ayaa soo abaabuley maamulka gobolka banaadir oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka banaadir isagoo ku amrey gudoomiyeyaasha degmooyinka iney tagaan xerooyinka barakacayaasha isla markaana dadka halkaasi h=jooga divbada usoo saaraan.
Banaanbaxayaashani ayaa waxaa ay isugu soo bexeen wadada dheer ee Maka Al Mukarama iyo qeybo ka mid ah wadada wadnaha, Goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa ayaa waxaa ay inoo sheegeen in bananbaxayaasha ay hor boodayeen gudoomiye waaxeedka xaafada dowlada ee gobolka banaadir.
Bananbaxan ayaa kusoo beegmaya kadib kolkii shaley Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen madaxweynaha dowlada federaalka somaliya taasoo uu aqbaley gudoomiyaha baarlamaanka.
Xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay ayaa la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Mooshinadan uu ka duwan yahay kuwii hore, marka loo eego xaalada uu dalka geliyay iyo sida Guddoonka Baarlamaanka ugu kala qeybsameen.