Xasan Eelay iyo Generaal Mahad oo dad shacab ah ku Xasuuqay Maanta Magalada Baydhaba

0
133

Wasiirka amniga Xasan Eelay iyo taliyaha ciidanka booliska koonfur galbeed Generaal Mahad ayaa maanta si gardaro ah dad shacab oo bananbaxayey xabad ugu furey gudaha magalada baydhaba xabadaasi oo ay waxyeelo kasoo gaartey dadkii halkaasi ku bananbaxayey.

Dad goob joog ahaa aya inoo xaqiijiyey in rasaasta ay fureen ciidamada ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux. taasoo aan la ogeyn ilaa iyo hada sababta keentey in shacab aan waxba galabsan la xabadeeyo.

Falkan ay ku keceen Xasan Eelay iyo Generaal Mahad ayaa waxaad moodaa in uu salka ku hayo safarkii ay dhawaan tageen magalada muqdisho kaasoo ay kulan ay la qaateen taliye xigeenka Nissa ay kula soo balameen in magalada ay carqaladeyn doonaan si aminga degaanka uu qalqal u galo.

Ma aha markii ugu horeysey oo koox caado qaadatayaal ah ay dad shacab ah ku xasuuqaan magalada baydhabo isla markaana aan loo soo qaban dembiga ay geytsaan taasoo ay dad badani ku fasireen ayaan daro aad u weyn.