Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta oo Iska Casiley Xilkiisa

0
74

Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cabdifataax Maxamed Ibraahin ( Geeseey ) ayaa kol dhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casiley xilkii uu u hayey dowlada dhexe.

Cabdifataax Geesey ayaa sheegay in sababta uu isaga casiley xilka ay ugu horeyso caburinta lagu hayo shacabka koonfur galbeed wuxuuna intaas raaciyey in uusan ka siiid ahaan karin xukuumad caburineysa shacabka koonfur galbeed.

Cabdi fataax ayaa dhanka kale shacabka koonfur galbeed ugu baaqay ineyay ilaaliyaan nabadgelyada deegaanka isla markaana aysan ogolaan in la caburiyo rabitaankoodana la hor istaago.