Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo SheegayIney Duqeyn Ku Dileen 62 Alshabab ah

0
59

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa maanta sheegay inay duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose Sabtidii iyo Axadii todobaadka kusoo ay ku dileen 62 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Labo duqeyn oo ka dhacday deegaanka Gendershe labo maalmood isku xigta, taariikhda marka ay aheyd 15 iyo 16 bishan December, duqeynta koowaad ayaa lagu sheegay qoraalka in lagu dilay 34 dagaalame, halka duqeynta labaad oo dhacday shalay lagu dilay 28 dagaalame.

Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay weeraradan qaadeen, si ay uga hortageen Al-Shabaab, soona abaabulaan weeraro deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Mareykankanka ayaa bilihii la soo dhaafnayb xoojinayay duqeymaha ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo inta badan beegsada saldhigyada iyo xarumaha ay ka degan yihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.