Maddaxweynaha Dowlada Federaalka oo u Hambalyeeyey Ciidanka Boliiska

0
86

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75’aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu xoojinayo laamaha ammaanka, iyadoona tayo iyo tiro ahaanba la kordhiyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo la dardaarmayey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri: ““Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo gaardis ku maray garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo lagu qabtay munaasabadda xuska sannad guurada 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaaashi Cabdullaahi, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiisha.