
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaaraya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay.
Wasiirkii hore Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cismaan, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah.
Eng Saalax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakaciyaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi la eg ku kharasha gareyso Guusha Lafta Gareen.
Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Muqdisho kasoo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag wata ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay.
Ugaasyada horboodaa digil waxaa loo carbiyey babinta digil islaxisaabtan mayaqaanaan waa in xal loo raadiyo hogaanka ddigil
Comments are closed.