
Doorasho macmal ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, waxaana doorashadan ku guuleestay Musharax dowlada taageereysay oo horeyba loo sii ogaa in uu ku guuleysan doono.
Gudoomiyaha baarlamaanka, Beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka koonfur galbeed ayaa horey ugu baaqay in doorashadan dib loo dhigo doorashada taasoo ay xukuumada ka biya diideen in ay qaataan talao jeedintaas.
Khilaafka hada ka dhax taagan Madaxwenaha Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa qeyb ka ahaa doorashadan iyo faragalinta Madaxtooyada ku heysay doorashadii shaley ka dhacday magalada baydhaba.
Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyada ayaan wali ka hadlin doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo, walina ma jiro wax hambalyo ah oo Madaxtooyada kasoo baxay.
Madaxtooytada Soomaaliya ayaa sidii horey loooga bartay markii Maamulada lagu doorto Madaxweyne waxa ay si deg deg ah usoo saari jirtay War Saxaafadeed doorashada lagu soo dhaweenayo looguna hambalyeenayo Madaxweynaha cusub.
Lama oga in Madaxtooyada soo saari doonto Hambalyo waqtigeeda kasoo dib dhacday iyo in ay sidan uga aamusi doonto, waxa ayna tani muujineysa shakiga la galinayo in doorashadan aysan u dhicin si daah furan oo lagu qanci karo.