
Ururka Al-shabaab ayaa ku baaqday dagaal aan horey loo arkay Kooxda Daacish oo waayadii ugu danbeeyay ku sii xoogeysaneysay deegaanno ka tirsan Soomaaliya.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali dheere ayaa kooxda daacish ku tilmaantay “cudur halis ah iyo kaansar”.
Bayaankani ka soo baxay hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa looga hadlay waxa shaababku ay ku tilmaameen dhibaatooyinka iyo gabood fallada kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Bayaankan oo uu akhriyey afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali Dheere) isla markaana lagu baahiyay shabakadaha u janjeera dhanka Shabaabku ayaa lagu sheegay “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.”
Sheekh Cali Dheere ayaa daacish ku eedeeyay “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.”
Wuxuuna intaasi ku daray “in Al-Shabaab ay in muddo ah u dulqaadanaysay daacish, balse sida uu sheegay haatan dulqaadkaasi ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo in Daaicsh-ku ku sii talax-tagaan waxa uu ugu yeeray dulmiga ay ku jireen.”
Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale kooxdaasi Daacish ku eedeeyay “in ay gabaad u noqotay waxa uu ku tilmaamay Jawaasiista maamullada riddada, taa oo u muuqata in uu ula jeedo dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya.”
Afhayeenka Al-Shabaab waxaa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad uu ku sheegay “canaasir oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo sida uu sheegay maleegayey dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo xubno ka tirsan kooxdiisa Al-Shabaab.”