Dhegeyso Xukuumada oo Sheegtey In Daacish ay Ku Sugan Yihiin Qeybo Ka Mid ah Gobolada Dalka

0
106

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiysay in Ururka Daacish xubno ka mid ah ay soo galeen Magaalooyin ka mid ah Gudaha Soomaaliya, islamarkaana arintaan ay dowladda Soomaaliya ay ku waddo baaritaano dheeraad ah.

Wasiir dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ka doodeen qatarka Daacish, Maadaama ay soo galeen Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.