Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo Walaac Ka Muujiyey Doorashadii Cabdicasiis Lafta Gareen

1
60

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa walaac badan ka muujiyay doorashadii Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ee Arbacadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka.

Doorashadii lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayay ku tilmaameen Golaha Wasiiradda Puntland mid sharci daro ah oo baalmarsan taageeradda iyo rabitaanka Shacabka.

“Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaanna arrimaha doorashada, waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro aheyd wixii ka dhacay magalada baydhabo maalintii arbacada.

1 COMMENT

  1. Faragelinta Golaha wasirada putlan waxay daliil u tahay boobka ay ku haayaan dalka iyo dadka digilmirifle iyo yaska ay u qabaan qowmiyadan madaama ay ka qaateen alto juba ayna dhigeen dhuldarot bakool ay dabka u saaran tahay bakool sare ay u baxeen exbanadir iyo bay sidey doonaan u maamulanaayaan digil iyo raxweyn iyo boon wax kala oo laga sugaa maxay yihiin daaroot iyo hawiye wey u gaartey sidey doonaan ha u hadlaan rag iyo rabi ayey leedahay.

Comments are closed.