Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay madaxii howlgalkii qaraxyada ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo qof waday gaariga 2aad ee Qarxay.
Qoraal lagu daabacay Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in labadaasi qof lagu qabtay howlgal sida ay sheegtay ay ka qeyb qaateen dadka shacabka ah.
NISA, waxaa ay sheegtay in qaraxa 2aad uu qarxay iyagaoo gacanta ku haya islamarkaana uu qarxay xilli laga fogeeyay dadka shacabka ah.
Qaraxyada ka dhaca magalada muqdisho ayaa beryahan dambe si aad ah ugu soo badanaya kaasoo ay inta badan waxyeelo ay kasoo gaarto dadka shacabka.