Jaaliyada K Galbeed ee Dalka Ingiriiska oo Maanta Ku Bananbaxay Afaafka Hore ee Safarada Dalka Itoobiya

0
55

Jaaliyada koonfur galbeed ee dalka ingiriiska ayaa maanta ku bananbaxay afaafka hore ee safaarada itoobiyaanka ay ku leeyihiin dalka ingiriiska, Bananbaxaasi oo looga soo horjeeda xasuuqii iyo afduubkii ay ciidamada itoobiyaanka ay ka fuliyeen magalada baydhaba.

Shacabkani ayaa wexey siteen boorar ay ku sawiran yihiin madaxweynaha dowlada federaalka somlaiya iyo reysulwasaaraha dalka itoobiya iyo boorar ay ku qoran yihiin joojiya dilitaanka dadka shacabka ah ee aan wax galabsan.

Shacabkii halkaasi isugu soo baxay ayaa waxaa kaloo ku dhawaaqayeen cod dheer in itoobiya ay faraha kala baxdo siyaasada somaliyeed isla markana ay dalka somaliya isaga baxdo.

Si kastaba arintu ha ahaatee dilalka siyaasadeed ee ka dhaca deeganada koonfur galbeed ayaan inta badan jirin wax loo soo qabto 4 sano ka hor sidan oo kale ayaa magaladaasi dad loogu xasuuqay kuwii xasuuqeyna weli ma jirto cid usoo qabatey demigaas.